Translations

Somali

 

Ku soo dhawowe Kawnsalka Barking iyo Dagenham

 

kawnsalku wuxuu u adeegaa dad ka badan 164,000 oo qof. Degmada Barking iyo Dagenham waxay ku taallaa bariga London, Daanta woqooyi ee webiga Thames ee ku jirta xaydaanka waddada mareegta ah ee M25.

 

Degmooyinka la deriska ahi waa Newham, oo galbeedka ka xigta, Redbridge oo woqooyi ka xigta iyo Havering oo bariga ka xigta.

 

Kawnsalka Barking iyo Dagenham wuxuu bixiyaa adeegyo ay ka mid yihiin waxbarashada, guryaha, adeegyada bii'adda mandaqadda, Adeegyada bulshada, qorshaynta dhismaha, iyo dheefta guryaha.

Waxa kale oo uu kawnsalku la shaqeeyaa ururro maxalli ah iyo qaar qaranka ah si ay wax uga qabtaan arrimaha la xidhiidha denbiyada, saboolnimada iyo qoqobnaanta ijtimaaciga ah (social exclusion).

 

Labaatankii sano ee la soo dhaafay degmada Barking iyo Dagenham waxa ka dhacay isbeddell waawayn oo xiiso leh waxaanay noqotay meel ay ku dhaqanyihiin dad kala duwan: waxa la saadaalinayaa inay dadka ka soo jeeda qawmiyadaha laga tirada badanyahay kordhaan 16% illaa 25%.

 

Beelo cusub ayaa ka dhinac abuurmay kuwii hore u sii jiray imminkana waxaannu haynaa 3,500 illaa 5,000 qof oo ah qaxooti ama magan doonno oo ku nool degmada. Waxa kale oo jira degganaansho wayn oo beesha marka loo qaybiyo saddex meelood laba qaybood ayaa degganayd in ka badan 20 sannadood. Jiilalka si fiican ayay isugu miisaaman yihiin, oo dhallinyarada soo kordhaysa waxa miisaama dad waawayn oo dadka deegaanka rubuc ka mid ahi waxa ay ka waynyihiin 50 sano. Waxa kale oo sannadihii jiray horumar wayn oo laga gaadhay waxbarashada dugsiyada.

 

Qof saaxiibkaa ah ka codso inuu ku caawiyo

Kawnsalka Barking iyo Dagenham wuxuu heegan u yahay inuu bixiyo adeeg ah tarjamad oo uu u fidiyo dadka deegaanka ee aan ku hadli karin ama akhriyi karin ingiriisida. Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaannuu soo jeedinaynaa inaad mar walba raadsato qof qaraabo ah oo ku hadla ama akhriya ingiriisida inuu marka hore kaa caawiyo waraysigaaga. Labadeennaba waxay innaga caawin doontaa sidii aynu arrinta wax uga qaban lahayn.

 

Waxaannu tarjumi karnaa macluumaadka

Kawnsalka Barking iyo Dagenham wuxuu waraaqaha caamka ah u tarjumi karaa luqado badan haddii la soo dalbado. Waxa kale oo aannu bixinnaa iyagoo ku qoran farta waawayn ama ku duuban cajeladaha maqalka kuwaas oo loogu talagalay dadka deegaanka ee aragga ka laxaadka la'.

 

Wixi imacluumaad ah fadlan la xidhiidh kooxdayada sinnaanta iyo kala duwanaanshaha:

 

Group Manager - Equalities and Diversity

Civic Centre

Rainham Road North

Dagenham

RM10 7BN

 

Tel: 020 8227 2105

Fax: 020 8227 2206

Textphone: 020 8227 2685

Email: james.oaten@lbbd.gov.uk|

 

English Translation|

Contact

James Oaten

Group Manager - Equalities and Diversity

Civic Centre

Rainham Road North

Dagenham

RM10 7BN

 

Tel: 020 8227 2105

Fax: 020 8227 2206

Textphone: 020 8227 2685

Email: james.oaten@lbbd.gov.uk|

 

Valid XHTML 1.0|

Home|

A to Z of Services|

Council Departments|

Key telephone numbers|

Search the site|

 

 

Advice, Benefits and Emergencies|

Business and Regeneration|

Community, People and Living|

Council and Democracy|

Education|

Environment|

Health|

Housing|

Jobs and Careers|

Leisure, Arts and Libraries|

Museums and Heritage|

News and Events|

Social Care|

Transport and Streets|

 

 

 

Frequently asked questions|

 

 

Accessibility|

Report or Complain|

Contact us|

Consultations|

Service Standards|

What's New|

Disclaimer|

Privacy Statement|

Data Protection|

Freedom of Information|

Directgov|

Directgov logo

Help|

 

 

© 2008 London Borough of Barking and Dagenham

Civic Centre

Rainham Road North, Dagenham, RM10 7BN

 

Telephone: 020 8215 3000

Fax: 020 8227 5184

Textphone: 020 8227 5755

Email: enquiries@lbbd.gov.uk|

 

Out of hours emergencies|

Telephone: 020 8594 8356

Fax: 020 8227 3470

 

Download Browsealoud to hear this website|

This website is speech enabled.

 

Report a page error?|