Kawnsolka Barking iyo Dagenham wuxuu tebiyaa adeegyo ay ka mid yihiin waxbarashada, guriyenta bulshada, adeegyada deegaanka xaafadda, adeegyada dadka waweyn iyo kuwa bulshada, dhisidda qorsheynta, iyo benefityada ijaarka guriga. Kawnsolka wuxuu kaloo la shaqeeyaa qaar ka mid ah ururada xaafadda iyo qaranka ee xallinayo arrimaha sida dembiyada, saboolnimada, eexda iyo hawlaha bulshada.
Haddii aad dooneysid in aad lacag bixisid, habka ugu sahlan ee aad ku bixin kartid lacagta Kwansolka waa ku bixinta habka intarneetka ee Pay it.
Haddii aad dooneysid in aad ogaatid meelaha aad ka heli kartid adeegyada xaafadda sida bukaan eegtada takhaatiirta, iskuullada hoose/dhexe ama kuwo kale oo badan waxaad ka heli kartaa Find it.
Waxaad la soo xiriiri kartaa Xaruunteena Xiriirka (Contact Centre) ee 020 8215 3000 (Isniin ilaa Jimco, 8 subaxnimo - 6 fiidnimo).
Macaamiisha doonayo in si toos ah ay ula hadlaan la talieyaasha macaamiisha waxaad soo booqan kartaa xafiisyada Kawnsolka (one stop shops):
One Stop Shop
2 Town Square
Barking
IG11 7NB
Tel: 020 8724 8710
Saacadaha xafiiska uu furan yahay: Isniin, Talaado, Khamiis iyo Jimco: 9.00 subaxnimo - 7.00 fiidnimo
Arbaco iyo sabti: 9.00 subaxnimo - 5.00 galabnimo
90 Stour Road
Dagenham
RM10 7JD
Tel: 020 8227 2970
Saacadaha xafiiska uu furan yahay: Isniin ilaa Jimco: 8.30 subaxnimo - 5.00 galabnimo
Diyaar baanu u nahay in turjubaano aanu u diyaarino deggeneyaasha xaafaddeena ee aan ku hadli karin ama akhrin karin af Ingiriisiga. Waxaan goor kasta kugula talineynaa in marka hore aad raadsatid qof saaxib ama qaarbo ah ee kaa caawiyo turjumidda. Aad bay waxtar ugu lahaan doontaa adiga iyo anagaba in aanu sida ku habboon u haqabtirno baahidaada.
Waanu kuu turjumi karnaa badanka dukumeentiga dadweynaha haddii aad soo codsatid in laguugu turjumo luqaddaada. Waxaa kaloon dadka indhooleyaasha ah ama araggooda diciif yahay siin karnaa dukumeentiga ku qoran far waweyn ama cajalada maqalka
Akhbaar dheeraad ah fadlan waxaad kala soo xiriirtaa Kooxdeena Siinaanta Kala Duuwanaanshaha (Equalities and Diversity Team) ee cinwaanka ku qoran halka.
Haddii af Ingiriisiga uusan ahayn luqaddaada koowaad, oodna dooneysid in aad kor u qaadid af Ingiriisigaada waxaad casharrada barashada Af Ingiriisiga ka heli kartaa Koolejyada Dadka waweyn iyo Barking taasi oo ku xiran:
Aadna dhigatid waxbarasho buuxda iyo / ama aadan qaadan benifityada waa in aad lacag ka bixisaa casharrada af Ingiriisiga (full fee).
Haddii aad qaadatid benifityada waxaad bixin doontaa lacag dhimman (exam fees).
Muddo intee dhan baad waddanka ku noolayd
Maxay tahay sharciga aad waddanka ku joogtid
Waddanka aad ka timid.
Haddaad u baahan tahay akhbaar dheeraad ah waxaad ka heli kartaa Koolejka Dadka waweyn ama Barking. Fadlan waxaad hore usoo qaadataa caddeyntaada sida baasabborkaaga, caddeynta cinwaanka aad ku nooshahay, wixii dukumeenti ee caddeynayo in aad benifit qaadatid. Waxaa suurtowda in lagaa qaado lacag dhan £10 (aan laguu soo celin doonin) ee ah qiimeynta maalintaasi oo lagu habsanayo heerka uu af Ingiriisigaadu yahay, sidaasi awgeedna fadlan ka ogow koolejka inta aadan soo booqan.
Koolejka Barking (Barking and Dagenham College)|
Dagenham Road
Romford
Essex
United Kingdom
RM7 0XU
Koolejka Dadka waweyn (Adult College)|
Fanshawe Crescent
Dagenham
RM9 5QA
Equalities and Diversity
Town Hall
1 Town Square
Barking
IG11 7LU
Tel: 020 8227 2105
Fax: 020 8227 2206
Minicom: 020 8227 2685
Email: 3000direct@lbbd.gov.uk|
Home|
![]()
Advice, Benefits and Emergencies|
![]()

![]()
Help|
![]()
© 2010 London Borough of Barking and Dagenham
Civic Centre
Rainham Road North
Dagenham
RM10 7BN
Telephone: 020 8215 3000
Fax: 020 8227 5184
Minicom: 020 8227 5755
Email: 3000direct@lbbd.gov.uk|
Telephone: 020 8594 8356
Fax: 020 8227 3470
This website is speech enabled.